
22 jirkaan ayaan awoodin inuu xirto indha gashiga, waxaana uu u baahan yahay qaliin si loo saxo dhibaatada jirta.
Mancini ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka Talyaaniga dhawaan mindida la saari doono, sidaasi darteedna ay keeneyso inuusan diyaar u noqonin kulanka ay Manchester City la ciyaareyso QPR.
“Mario diyaar uma ahan inuu ku soo laabto garoomada weli. Uma muuqdo inuu gashan karo indha gashi. Haatan waa uu fiican yahay, lakiin dhibaatada mar kasta ayay soo laaban kartaa” ayuu Mancini u sheegay suxufiyiinta.
Tababaraha City ayaa waxaa ka maqan weeraryahankiisa kale Sergio Aguero oo maqnaanaya labada isbuuc ee socota ka dib dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii furitaanka horyaalka.
Waxa uuu weydiistay Balotelli inuu buuxiyo booska uu ka dhaawacnaa Aguero, lakiin ciyaaryahanka Talyaaniga ayaa isna haatan dhaawac kula biiray Aguero.
47 jirkaan ayaa sidaasi darteed ku tashan doona Carlos Tevez iyo Edin Dzeko inta ay maqan yihiin Aguero iyo Balotelli.