
Ciyaaryahankan reer Macedonia ayaa laga saaray ciyaartii koobka Supercoppa oo dhex martay kooxaha Juventus iyo Napoli kadib markii muran afka ah dhex maray isaga iyo garsoorihii kulankii Super Cup.
Ciyaaryahankan ayaa waxa uu beeniyey sababta keentay in laga saaro ciyaarta halka uu madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis uu sheegay in ciyaaryahanka uu ku hadlay luqadiisa hooyo.
Mamnuucida labadan kulan ayaa waxaa ay tahay mid ka bilaabanaysa horyaalka Serie Ada, Pandev ayaa waxaa uu seegi doonaa labada kulan ee ugu horeysa ee kooxda Napoli la yeelanayso kooxaha Palermo iyo Fiorentina.