
Labo gool oo laga dhaliyey qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa saddexdii dhibcood waxaa la wareegay Juve balse weeraryahankan reer Slovakia ayaa tilmaamay in guuldarada ay dhiirigelin u tahay kooxda Napoli ayna gaari doonaan meel sare.
“Juve kubbada waxbadan ayay haysteen laakiin marnaba uma muuqan inay halis ahaayeen,”ayuu u sheegay Tuttosport. “Nasiibdarro waxaan meel gees ah ugaga tagnay Caceres,taas ayaana nalgu ciqaabay.
“Guuldaradan ayaa waxa ay naga dhigeysaa inaan carro kula dul dhacno kulamada soo socda. Toddobaadka soo socda waxaan la ciyaari doonaa Chievo taasna waxa ay noqon doontaa mid muhiim ah. Kadibna waxaan aadaynaa Bergame si aan ula ciyaarno Atalanta taasna waxa ay noqon doontaa mid qatarteeda leh.
“Waa inaan si xoog ah u shaqeynaa.”ayuu ku soo gabagabeeyey weeraryahanka kooxda Napoli.