
Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii daawanayay kulanka ka dhacay garoonka Kyocera ay hadalo aflagaado ah ku qeylinayeen taasoo marki dambe labada koox ay si gaar ah ugaga wadahadleen.
Ciyaartan saaxibtinimo oo ku dhamaatay 0-0 ayaa kooxda Newcastle waxa ay la ciyaartay kooxda ADO Den Haag oo ka mid ahkooxaha ka dhisan dalka Holland.
Kulankan ayaa waxa ciyaartoydii u safnayd kooxda Newcastle ka mid ahaa Ba oo u dhashay dalka Senegel iyo weerayahanka kale ee ay isku wadanka ka soo jeedaan ee Papiss Cisse iyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer Ivory Coast Cheick Tiote.
Hase yeeshee dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa la arkay isagoo Cheick Tiote aad ugaga carooday hadalada ay ku dhowaaqayeen taageerayasha kooxda ay martida u ahaayeen. Tiote ayaa hore ugaga ciyaari jirey dalka Holland isagoo u soo ciyaaray kooxda FC Twente ka hor inta uusan ku soo biirin kooxda Newcastle.
Ciyaaryahanka reer Senegal ee Ba ayaa u sheegay wargeyska Evening Chronicle: “Ma aan maqlin waayo waxa qalbigeyga oo dhan uu ku jeeday ciyaarta.
“Haddii ay sida laga sheegayo sameeyeen waa dad nacasiin ah, waana inay soo koraan oo dad waaweyn noqdaan.
“Dad badan ayaa dunida ku nool waana inaad noqotaa mas’uul.”ayuu yiri Ba.
Eedeyntan oo kaliya kuma eka hadalada iyo ficilada ay la kulmaan qaar ka mid ah ciyaartoyda caalamka waxana sidoo kale ka carooday muus lagu soo dhex tuuray garoonka kulan saaxibtinimo oo ay ku wada ciyaarayeen kooxaha Man City iyo Limerick. Iyadoo muuska si gaar ah loogu soo tuuray daafaca Man City Gael Clichy.
Clichy oo aan si rasmi ah uga dacwoon falkan ayaa ku soo qoray boggisa twittenka in uu aad uga xunyahay in garoonka lagu soo dhex tuuro muus xilli dunida ay ku nool yihiin dad badan oo u baahan cunto.
Arrintan ayaa la sheegay in si weyn ay u saameysey kooxda Limerick oo ka dhisan jamhuuriyada Ireland waxayna kooxdu haatan bilowday inay fiiriso keydka camerayaasha wax duuba si loo helo qofkii ka dambeeyey falkan. Waxana mas’uuliyin u hadashay kooxda ay sheegeen in haddii la helo qofkaasi laga mamnuuci doono daawashada ciyaarha isla markaana gacanta loo gelin doono booliska.