
Kadib markii uu u dhaliyey goolkii guusha kooxda haysata Champion League ayuu 34jirkan waxa uu ka tegey Chelsea isagoo ku biirey naadiga Shanghai Shenhua.
Waxaa soo baxayay warar sheegaya in khilaaf uu soo dhex galay kooxda uu u ciyaaro taasoo sababi karta in uu isaga soot ego waxana la sheegay in uu qaadanayo lacag gaareysa of £200,000 kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa hore loo sheegay in ay doonayaan weeraryahankan.
Arsenal ayaa hore waxa ay isugu dayday inay laacibkan la soo wareegto markii uu u ciyaarayay Le Mans and Guingamn.
Wenger ayaa hadda sheegaya inaysan diyaar u ahayn in suuqa dib ugu laabtaan si ay u soo xero gashadaan weeraryahankii hore ee Monaco, kaasoo muddo siddeed sano o ouu ka ciyaarayay England qalqal ku abuuri jirey daafaca Arsenal.
‘Fikirkeyga hadda ma aha ciyaaryahan xor ah, mar dhow ayuuna ka tegey England,’ayuu yiri tababaraha Arsenal. ‘Ma garanayo xaalada sababtoo ah waxa uu la soo baxay hadal aad u bedelan.
‘Waxaan maqalnay in laga yaabo in uu u tegeyo Real Madrid. Balse waxa uu sheegay in uu joogay Shiinah. Ma garanayo in uu doonayo in lacag badan laga bixiyo. Ma garanayo.
Arsenal ayaa sabtida garoonkeed ku martiqaadeysa Southampton, waxaana dib ugu soo laabanaya goolhaye Wojciech Szczesny oo dhaawac ka soo laabtay.