
Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa si carro leh kaga jawaabay markii la bedelay qeybtii labaad ee ciyaartii ay Inter 2-0 ku dirtay kooxda Torino xalay, lakiin waxa uu sheegay in sida uu u dhaqmay inaysan shaqo ku laheyn xiriirka kala dhaxeeya Stramaccioni.
“Guul weyn ayay aheyd shalay!!! Waan yara xanaaqsanaa sababtoo ah waxaa doonayay inaan ciyaaro wax walba… ma ahan inaan u xanaaqsanaa tababaraha. Lakiin waa ogahay ciyaaro badan oo la ciyaaro ayaa jira.. waxaan isku diyaarinayaa kulanka khamiista” ayuu Sneijder ku soo qoray bogiisa Twitter.
Sneijder ayaa shabaqa soo taabtay hal mar seddex kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Inter horyaalka Serie A, waxaana uu fursad u heli doonaa inuu goolashiisa wax ku darro marka ay Nerrazurri habeenka khamiista la ciyaarayaan Rubin Kazan koobka Europa League.