
La Furia Roja ayaa Hal iyo Wabxa kaga talaabsatay Holland waqtigiii dheeriga ahaa ciyartii kama dambeysta koobkii aduunka ee 2010, Sneijder ayaana maanka ku haaya in Spain ay wax ka badan hal mar garaaceen.
“Ma jiraan wax isbedel badan ah oo ku yimaaday Spain. Ciyaartoydooda oo dhan waa 25 ama 26 sanno jir. Waxaan qabaa inay heystaan xulka ugu fiican, waana ay soo gaari karaan finalka, anagana waan soo gaari doonaa” ayuu u sheegay NUsport.
Ciyaaryahanka Inter ayaa ka dib intaasi wuxuu dib u milicsaday ciyaartii ugu dambeysay ee ay kaga horyimaadeen wiilasha Vicente del Bosque, isagoo hoosta ka xariiqay in xulkisu ay had iyo jeer doonayaan inay ciyaaraha ku qaabilaan si niyad wanaag ah.
“Mar walba waxaan doonaynaa inaan weerarno, xitaa hadii aan ka horimaao Spain, Waana sidii aan sameynay finalkii koobka adduunka. Si kastaba mararka qaar waa inaad la qabsataa inta ay ciyaarta socoto” ayuu hadalkiisa ku koobay Sneijder.
Netherlands ayaa (Group B) waxay kula jiraan Denmark, Germany iyo Portugal, halka xulka Spain ay (Group C) kula jirto Croatia, Italy iyo Republic of Ireland.