
Heshiiska halka xilli ciyaareed ee amaahda ah ayaa isku bedeli kara mid joogta ah dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, hadii West Ham ay bixiso 17 milyan ginni.
Kooxda Reds oo ciyaaryahankan ku soo iibsatay lacag rikoor ah oo gaareysa 35 milyan ginni, ayaa xilli sii horeysay iska diiday dalab dib u iibsasho ah oo ka yimid kooxdiisii hore ee Newcastle.
Carroll ayaa ku dhibtooday inuu ka muuqdo Anfield tan iyo markii uu lacag qaali ah ugu soo dhaqaaqay Liverpool, isagoo dhaliyay 11 gool 56 kulan oo uu u saftay.
Waxaana uu haatan u muuqdaa inuu dheeri ku yahay qorshaha tababare Brendan Rodgers, kaasoo soo iibsaday weeraryahanka Talyaaniga Fabio Borini, halka Clint Dempsey isna lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda Merseyside.
Liverpool ayaan dooneynin inay xagaagan si rasmi ah u iibiso ciyaaryahanka, waxaana kaliya ay doonayaan heshiis amaah ah, lakiin Newcastle ayaa qorsheyneysa inay iyadana u soo bandhigto dalab kale oo cusub, madaama la filayo in Carroll uu iska diidi doono heshiiska kooxda West Ham.
Carroll ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Talyaaniga ee AC Milan.