
21 jirkaan reer Nigeria ayaa 12 bilood ay uga hartay qandaraaskiisa haatan, waxaana ilaa iyo haatan uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo Wigan.
Kooxo dhowr ah ayaa la ogaa inay ciyaaryahanka gabaad ugu jireen, kaasoo dhaliyay lix gool 37 kulan oo horyaalka ah oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, isagoo inta badan ka ciyaarayay garab weerar.
Haatan Chelsea ayaa go’aansatay inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka, lakiin dalabkooda waa la soo diiday.
Sky Sports ayaa ogaatay in dalabka Chelsea uu ka yaraa lacagta ay Wigan ku qiimeyneyso ciyaaryahanka, lakiin Chelsea ayaa la filayaa inay sii wadi doonto wadahadalada.
Kooxo dhowr ah oo Premier League ka ciyaara ayaa la rumeysan yahay inay qiimeynayaan xaalada.