
“Marnaba isma aysan dhiibin ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta” ayuu Drogba ka yiri asxaabtiisa Chelsea.
“Kooxdaan waa koox cajiib ah” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waa ina loo qoray inaan qaadno, waxaan qabaa in muddo dheer ka hor in naloo sii qoray inaan qaadno. Waxaan doonayaa inaan koobkaan u hibeeyo dhamaan macalimiintii ina soo maray iyo dhamaan ciyaartoydii aan hada ka hor soo wada ciyaarnay”.
Drogba ayaa sidoo kale amaanay qaab ciyaareedka goolhaye Petr Cech, kaasoo rigoore ka badbaadiyay Arjen Robben waqtigii dheeriga ahaa, markaasi ka dibna qeyb muhim ah ka qaatay iyadoo Bayern ay qasaarisay labo rigoore.
“Markii uu inuu ninkaan goolka kuugu jiro, waa inaad aamintaa” ayuu yiri Drogba.
Tababaraha ku meel gaarka ah Roberto di Matteo, oo weli aysan u kala cadeyn inuu shaqada Blues si joogta ah u qaban doono iyo in kale ayaa isna amaan kala duldhacay ciyaartoydiisa.
“Waxaan heysanaa koox ciyaartoy ah oo wadnahooda uu weyn yahay, waana habka kaliya aan ku heli karnay koobkaan” ayuu yiri ninka reer Talyaani.
“Drogba kooxda waxa uu u ahaa wax weyn. Waxaa ina soo martay seddex bilood oo cajiib ah”.
Mar la weydiiyay John Terry hadii ay tahay in haatan Di Matteo si rasmi ah loogu magaaco tababaraha Chelsea, waxa uu ku jawaabay:
“Fiiri koobka. Waan rajeyneynaa in si joogta ah shaqada loo siiyo. Robbie waxa uu ahaa fantastik tan iyo markii uu qabtay shaqadaan”
Cech ayaa isna ku taageeray Terry fekerka ku aadan Roberto di Matteo.
“Wax walba oo isaga ku dhaca, waxa uu inoo qaaday labo koob oo fantastik ah. Howl ku filan oo uu shaqadan ku qaban karo waa uu sameeyay, lakiin guddiga ayay go’aansan doona” ayuu yiri Cech, oo farmuuqay in Di Matteo uu ka caawiyay Chelsea sidoo kale hanashada koobka FA Cup.
Kabtankii xalayto ee Chelsea Lampard ayaa isna sheegay in Di Matteo uu labo rog ku sameeyay xilli ciyaareedkii kooxda.
“Su’aal kama taagna haatan taas. Waxa uu inga soo qaaday anigoo halis ugu jirna inaan Champions League ka harno, haatana waan ku guuleysanay, sidaasi darteed intaas ayaa kuugu filan inaan ka fiiriso” ayuu yiri Lampard.