
Labada ciyaaryahan ee Los Blancos ayaa taxadar muujiyay markii wax laga weydiiyay wararka ku aadan in laga yaabo in saaxiibkooda uu mustaqbalka dhow ka tago, waxaana bedelkeeda ay xaqiijiyeen inay sii joogi doonaan caasimada Spain.
“Aniga ayaan iska hadlaaya marka aan dhahayo halkaan waan ku faraxsanahay,” ayuu Alonso u sheegay AS.
“Qof walba waxa uu dareemaaa sida uu qof walba doonayo.
“Waxaan qabaa in badankeen aan nasiib ku leenahay inaan qeyb ka noqono koox taariikh sameysay, lakiin dooneyno inaan is dhigano. Waxaan kaliya doonaynaa fursado kale oo aan koobab ka sii badan ku qaadno.”
Ciyaaryahanka reer Argentina Higuain ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ku hareereysan Ronaldo, isagoo yiri: “Kama hadli karo arintaas sababtoo ah waxba kama ogi. Cristiano waxba kuma uusan sheegin qolka labiska, waxaana arintiisa kaliya aan maqlay saxaafada.”