
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona iyo goolhayaha Real Madrid oo uu soo sharaxay madaxweynaha Fifa Sepp Blatter ayaa helay 11 ka mid ah 18 cod oo la dhiibtay, waxaana ay abaalmarinta ku heli doonaan xaflad lagu qaban doono masraxa Oviedo Campoamor 26ka bisha soo socota.
“Waxa ay i weydiisteen, madaama aan garsoore ka ahaa abaalmarinta inaan fekrad ku darsado, magacyadii ugu horeeyay ee igu soo dhacayna waxa ay ahaayeen Xavi iyo Casillas. Kaliya ma ahan waxa ay garoonka ku soo bandhigeen, lakiin waxa y qabteen dhan walba.” ayuu Blatter u sheegay jariirada AS.
Abaalmarintan oo la soo bilaabay 1980kii ayaa waxaa la siiyaa sannad walba dad heerar kala duwan oo sarre ka gaaray meel kale duwan oo Isboortiga uu ka mid yahay, waxaana bixisa boqortooyada Spain.
Abaalmarinta waxaa sannadkii hore ku guuleystay ordayahanka Haile Gebreselassie, halka 2010kii ay ku guuleysteen xulka qaranka Spain oo markaas qaaday koob adduun.