
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gaza, Al Sarsak ayaa sheegay inuusan ciyaarta xaadiri doonin, isagoo ka mudaharaadsan ka qeybgalka ciyaarta askarigii hore ee Isreal Gilad Shalit, kaasoo shan sanno u xirnaa Gaza.
“Waxaa la igu martiqaaday inaan daawado ciyaarta sababtoo ah cadaadiska Barcelona kaga yimid taageerayaasheeda ka dib markii kooxda ay ku cansuuntay Gilad Shalit inuu ciyaarta daawado” ayuu yiri ciyaaryahankan.
Al Sarsak, oo u ciyaari jiray xulka qaranka Falastiin, ayaa aaminsan in dhibanaha iyo kan dhibta geysanaya inaan si isku mid ah loola dhaqmi karin.
Isbuucaan barcelona waxa ay sheegtay inaysan midkoodna casuumaad u dirin Shalit iyo Sarsak, lakiin waxa ay xaqiijiyeen inay aqbaleen codsi ka yimid dad iyaga ku dhowdhow oo codsaday inay ciyaarta ku daawadaan Camp Nou.
Al Sarsak ayaa waxaa sii deysay Yahuuda bishii July ka dib markii uu cuntada ka soomay muddo 92 maalmood ah isagoo ka mudaharaadayay seddex sanno oo uu xabsi ku xirnaa isagoo aan waxba ku eedeysneyn. Waxaa la xiray 2009kii markaasoo uu u safrayay Jordan isagoo doonayay inuu u ciyaaro koox uu markaas u saxiixay Balata.