
BBC ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka reer Brazil lagu amray inuu gaariga joojiyo ka dib markii uu si xad ka bax ah uu u waday, waxaana uu diiday inuu gaariga joojiyo.
Santos ayaa ugu danbeyn ayaa gaari ku joojiyay meel u dhow xarunta tababarka kooxda Arsenal ee Colney.
Afhayeen u hadlay boliiska ayaa u sheegay BBC: “Wax yar ka dib markii ay aheyd 9:30am maalintii jimcaha, nin 19 jir ah ayaa lagu xiray gaari uu si halis ah u waday, ka dib markii uu guuldareystay inuu qaato amarka boliiska oo uu joojiyo gaariga”.
“Boliiska ayaa gaariga dabagalay ka dib markii ay arkeen qaabka loo wadayo”.
“Ninka waxaa haatan lagu sii daayay damaanad, waxaana uu ku soo laaban doonaa saldhiga boliiska waqooyiga London bartamada bisha September”.
Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Santos uu waday gaari qiimahiisa yahay 110 kun ginni oo madow ah oo nuuciisa uu yahay Maserati GranTurismo, wuxuuna ku waday 135mph si uu uga baxsado boliiskii ceyrsanayay xilli jaam lagu jiray.
Santos oo 29 jir ah ayaa ka jawaabi doona damaanada lagu sii daayay bisha soo socota, waxaana laga yaabaa in uu muteysto xabsi labo sanno ah hadii kiiska loo qaado maxkamad islamarkaana danbi lagu helo, sida wargeysku sheegayo.