
Catalans ay u sheegtay wakiilkiisa Rob Jansen in ciyaaryahanka reer Netherlands
ay in badan looga baahneyn Camp Nou, sida ay ogaatay goal.com
Blaugrana ayaa dooneysa inay beeso ku hesho Afellay si ay dhaqaale ugu helaan xiddiga
Athletic Bilbao Javi Martinez, waxaana Jansen uu u soo bandhigay 26 jirkaan
kooxaha Inter iyo Arsenal.
Dalab 6 milyan euro ah ayaa ugu filan in Afellay uu ka tago Barcelona, Inter ayaana si
aad ah u xiiseyneysa ciyaaryahankii hore ee PSV.
Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysay saxiixa ciyaaryahankan khadka dhexe 2011dii, lakiin
waxaa saxiixiisa kaga adkaatay kooxda reer Catalan.
Afellay ayaa ku biiray Camp Nou bishii Janaayo 2011, waxaana uu saftay 28 kulan
lixdiisii bilood ee ugu horeysay kooxda ka dhisan La Liga.
Si kastaba, dhaawac jilibka ka soo gaaray ayaa inta badan u diiday inuu ciyaaro
xilli ciyaareedkii 2011-12, waxaana markaasi ka dib kooxda koowaad u soo dalacay
Isaac Cuenca iyo Cristain Tello oo tartanka booskiisa ku sii adkeeyay.