
Xiddigaan ayaa inta ka badan ka aamusayay marka la weydiiyo wararka ku saabsan in uur ay u leedahay saaxiibtiis Antonella Roccuzzo, ka dib markii uu dabaaldeg cunug uurka ku jiro oo kale uu sameeyay kulankii ay xulkiisa 4-0 kaga badiyeen Ecuador horaantii bishaan.
Si kastaba, 24 jirkaan ayaa haatan ku dhawaaqay in uur loo leeyahay, waxaana uu sadaal ka sii bixiyay cunuga waxa uu noqon doono wiil ama gabar.
“Waxaan u maleynayaa inuu wiil noqon doono” ayuu Messi yiri sida ay qortay jariirada Ole.
“Ma aanan dooneynin inaan wax ka iraahno arintaan sababtoo ah marnaba kama hadalno nolosheena gaarka ah”.
“Lakiin si joogta ah ayaa la inoola weydiiyaa, sidaasi darted waxaan dooneynaa inaan farxadeena idinla wadaagno”.