
Ronaldo ayaa shabaqa ka soo taabtay Barcelona lix kulan oo isku xigta, waxaana uu soo bilaabay tan iyo 18kii Janaayo sannadkan 2012.
Waxa uu rikoorkaas ka qaaday Ivan Zamorano kaasoo shan kulan oo isku xigta shabaqa soo taabtay kulamada El Clasico intii u dhaxeysay 30kii Janaayo 1993 ilaa 16kii December 1993kii.
Lionel Messi oo isna kooxdiisa u barbareeyay daqiiqadii 30aad islamarkaana hogaanka u dhiibay daqiiqadii 60aad ayaa hal gool u jira inuu barbareeyo rikoorka ciyaaryahanka ugu goolasha badan kulamada El Clasico, isagoo haatan ka dhaliyay Real Madrid goolashisii 17aad, waxaana ka horeeya kaliya De Stefano oo Barcelona ka dhaliyay 18 gool.