
Heshiis lagu sheegay 25 milyan ginni ayay kooxda heysata Champions League la gashay kooxda iska leh ciyaaryahanka Internacional.
Oscar oo England u yimid ciyaaraha Olimbikada ee xulkiisa Brazil ayaa loo ogolaatay inuu tijaabada caafimaadka u mari karo kooxda Chelsea.
Sky Sports ayaa sidoo kale ogaatay in Chelsea aysan dhib ku aheyn inay ogolaansho shaqo u hesho ciyaaryahanka, taasoo la micno ah in heshiiska la soo gabagabeeyo ka hor inta uusan bilaaban tartanka kubada cagta ee ciyaaraha Olimbikada isbuuca soo socda, inkastoo aan la fileynin in heshiiska lagu dhawaaqo ilaa iyo inta uu tartanka ka soo dhamaanayo.
Waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in Oscar uusan aheyn ciyaaryahanka kaliya ee ka qeybgalaya Olimbikada adduunka ee ay Chelsea dooneyso, sidoo kale waxaa ay wadahadalo kula jiraan Marseille oo ay ka doonayaan daafacooda garabka Cesar Azpilicueta.
Ciyaaryahanka reer Spain oo 22 jir ah ayaa u dhaqaaqay France 2010kii isagoo ka soo tagay Osasuna, lakiin dhaqaale xumo heysa Marseille ayaa keeni karta inay iska iibiyaan xagaagan.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u jiheysteen Cesar ka dib markii ay ku adkaatay inay la soo wareegaan daafaca midig ee Inter Milan Maicon.