
Xiddigaha kubada kolayga Mareykanka ayaa ku sugan Europe iyagoo u jooga ciyaaraha Olimbikada, waxaana ay amaan kala duldhaceen ciyaaryahanka reer Argentina markii wax laga weydiiyay.
“Messi waa ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, hadii uusanba haatan aheyn waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa kubada cagta caalamka” ayuu James ku yiri wareysi uu siiyay EFE.
“Messi ayaa ugu fiican… waa ninka ugu fiican!” ayuu Bryant isna ku raacay saaxiibkiis.
“Waxaan mar fursad u yeeshay inaan ku arko isagoo tababar la sameynaya Barcelona, aad ayaana ugu riyaaqay”.
Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or seddexdii sanno ee ugu danbeysay, waxaana haatan si aad ah loo filayaa inuu u tartamo abaalamrinta 2012.