
Waxa ay shalay u aheyd Sunderland maalintii ugu qaalisaneyd ee taariikhda kooxda soo marta, iyagoo labada ciyaaryahan ku qarashgareeyay lacag lagu sheegay 25 milyan ginni.
Johnson – oo 12 kulan u saftay England labo goolna u dhaliyay ayaa ka tagay City ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo Roberto Mancini, waxaana 25 jirkaan uu heshiis afar sanno ah u saxiixay kooxda ka dhisay waqooyi bari halkaasoo uu ugu ciyaari jiray kooxda Middlesbrough.
Tababare Martin O’Neill ayaa yiri: “Inaan ku soo darno ciyaartoy tayo leh waxa ay aheyd ujeedadeena, Adam isna waa ciyaaryahan tayo leh.
“Waxa uu leeyahay awood aad u fiican, si fiican ayuu kubada u gudbin karaa, waana hubaa inuu noqon doono ciyaaryahan ka farxiyo taageerayaasheena.
“Ma jiro wax aan kaga faraxsanahay inaan kooxda ku soo dhaweeyo.”