
Kulanka ayaa u dhaxeeyay Waqooyiga Kurriya iyo Colombia, waxaana lagu waday inuu bilowdo 19:45 xilliga Britain, lakiin waxa uu dib u dhacay muddo hal saac ah, madaama xulka Waqooyiga Kuuriya ay ka mudahaaradayeen qaladkaas dhacay.
Xiriirka ka dhaxeeya Waqooyiga iyo Koonfur Kuuriya ayaa ah mid aan hagaagsaneyn tan iyo dagaalkii Korea ee 1953dii, waxaana madaxda ciyaaraha Olimbikada ay durbadiiba ka bixiyeen raaligelin weyn oo ku aadan qaladkaas dhacay.
Warbixin ay soo saareen qabanqaabiyayaasha London 2012 ayaa lagu yiri: “Maanta ka hor kulanka hablaha kubada cagta ee ka dhacayay Hampden Park, calanka South Korea ayaa la soo saaray shaashada halkii la soo saari lahaa calanka North Korea”.
“Sida cad taasi waa qalad, waxaan raaligelin ka siineynaa xulka gabdhaha North Korea iyo gudigooda Olimbikada, waxaana qaadi doonaa talaabo aysan mar danbe ku dhici doonin”.
Ka dib markii ay ogolaadeen gabdhaha North Korea inay garoonka ku soo laabtaan waxa ay caradooda kala duldhaceen Colombia oo ay ku garaaceen 2-0.