
Craig Bellamy ayaa hogaanka u dhiibay xulka GB qeybtii hore ee ciyaarta, lakiin xulka qaarada Afrika ka socda ayaa barbareeyay iyadoo in ka yar 10 daqiiqo ay ciyaarta ka harsan tahay, waxaana goolka u saxiixay Moussa Konate.
Xulka Uruguay oo Group A kula wehliya Great Britian iyo Senegal ayaa hogaanka u qabtay group-ka ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka UAE.
Brazil ayaa ku furatay kulankeedii ugu horeeyay ee ciyaaraha Olimbikada guul 3-2 oo ay ka gaareen xulka Masar, inkastoo xulka faraacinta ay soo laabteen qeybtii labaad.
Goolal ka kala yimid Rafel da Silva, Leandro Damiao iyo Neymar ayaa hogaanka u dhiibay Brazil qeybtii hore. Mohamed Abo Trika iyo Mohamed Salah ayaana labo gool u soo celiyay qeybtii labaad Masar lakiin kuma aysan filneyn.
Belarus oo Group C kula wehlisa kooxahan ayaa iyagana 1-0 kaga takhalusay Newzealand.