
markii ay final ka gaareen koobka Euro 2012.
Fifa ayaa bilowday koobkaan 1997dii, waxaana markii hore la qaban jiray labadii
sannaba mar ilaa iyo 2005tii markaasoo loo bedelay afartii sannaba mar.
Tartankaan ayaa haatan waxa uu u dhaqmaa sida isku kululeynta koobka adduunka, waxaana ka
qeybgala xulalka ku guuleystay koobabka qaramada ee lixda ah ee adduunka, oo ay
sii dheer tahay xulka heysta koobka adduunka iyo xulka martigelinaya koobka
adduunka sida xilligan Brazil.
Madaama Spain ay heysato koobka adduunka booskooda koobka waxa uu yahay mid banaanka u yaala wax walba oo ay noqoto natiijada finalka Euro 2012, sidaasi darteed Italy ayaa dhanka Euro ka soo geli doonta koobka madaama ay final soo gaareen xitaa hadii aysan ku guuleysan koobka.
Xulka Cesare Prandelli ayaa xaqiijistay booskooda finalka ka dib markii ay 2-1 kaga
badiyeen Germany iyadoo Mario Balotelli uu u dhaliyay labada gool.
Inkastoo ay u soo baxeen koobka Confederations Cup ee ka dhacaya Brazil, Italy waxa ay
qiyaar u leedahay inay iska diido casuumadaas. France iyo Germany ayaa hadda ka
hor iska diiday sidaan oo kale markii ay ku soo baxeen.
Markaas Portugal ama Germany ayaa matali doono UEFA.
Xulalkii hore ugu guuleystay koobkaan waxaa ka mid ah Mexico, France iyo xulka haatan
heysta Brazil oo qaaday seddex jeer.