
Gool uu dhaliyay Yuki Otsu daqiiqadii 34aad ee ciyaarta ayaa ugu filneyd Japan inay gaarto guul ay u qalantay, iyadoo fursado badan uu ka beeniyay goolhaye David de Gea halka Japan dhameystirkooda uu aad u liitay.
Japan ayaa ciyaarta inteeda badan ku gacan sareysa inkastoo Spain casaan uu ka qaatay Inigo Martinez ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman xilliga nasashada.
Martinez ayaa casaan toos ah loo taagay markii uu galay qalad muuqda.
Spain ayaa line-upkeeda ku soo darsatay Juan Mata, Jordi Alva iyo Javi Martinez oo qeyb ka ahaa ciyaarihii Euro 2012, lakiin waxaa kala dhantaalay xulka Japan, iyadoo David de Gea uu ahaa ciyaaryahankiii ugu fiicnaa ciyaarta.
Xulalka Group D kula wehliya xulalkan ee Honduras iyo Morocco ayaa iyagana ku kala baxay barbaro 2-2 ah.
Group B xulalka Mexico iyo South Korea ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah.
Ciyaaraha soo socda ee caawa la ciyaarayo ee kubada cagta waxaa ka mid ah kulanka xiisaha leh ee Brazil iyo Masar, halka Great Britain iyo Senegal ay iska horimaan doonaan isla caawa.
Ciyaaraha Olimbikada adduunka ayaa berri si rasmi ah uga furmi doona London, iyadoo tartanka kubada cagta la sii hor bilaabay.