
Ciyaariyahanka Pepe ayaa daqiiqadii 24 Gool uu dhaliyay Hogaanka ciyaarta ugu dhiibay Xulkiisa waxana mar kale u labeeyay Postiga daqiiqadu 36 waxaana ka hor dhamaadkii Qeybtii hore waxa Ciyaarta 2 iyo 1 ka dhigay Ciyaariyahanka Bentdner.
Markii la is kugu soo laabtay Qeybtii Labaad ee Ciyaarta oo aheyd mid xiiso laheyd waxaana labada Xul ay abuureyn fursado ay ku dhalin karaa Goolal inkastoo ay iska cuneyn fursado muhiim ahaa Ronaldo ayaa Goolal ku qubeystay waxaana daqiiqadii 80 Gool ka naxshay Xulka Portugal oo ka dhaliyay mar labaad Bendtner.
Dhamaadka Ciyaarta ayaa noqotay mid xiiso leh inkastoo ay xulalka iska qasaarinayeen fursado muhiim ahaa waxaana xulka rer Portugal Daqiiqadii 87 Gool ay ku farxeeyn u dhaliyay Dhamadkii Ciyarta Ciyariyahan Silvestre Varela oo Guul Muhiim ah ku Hogaamiyay Xulkiisa Xalay