
Xulalka Spain Vs Portugal ayaa caawa waxeey soo bandhigeyn ciyaar weerar iyo weerar celis ah kadib Kulan ka tirsanaa Semi finalka Koobka Euro 2012.
Labadan Xul ayaa laba qeyb ee ciyaarta waxeey isku mari waayeen Goolal la’aan waxeeyna ku kala baxeyn 90 daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta 0 iyo 0.
Xulka Portugal ayaa qeybtii hore ee Ciyaarta waxeey soo bandhigay Ciyaar aad u wanaagsan dhoor fursadood oo ay abuureeyn ayaa waxaa hor istaagay Daafaca Kooxda reer Spain Ramos iyo Pique.
Dhanka kale Xulka Spain ayaa wax badan kabadalay qaab ciyareedkii qeybtii hore oo ayagu aad looga gacan sareeyay waxeeyna bilaabeeyn in ay hor istaageeyn weerarka xulka Portugal waxeeyna la Qeyb sadeeyn Kubada waxeeyna abuureyn fursado ay ku dhalin kareyn goolal laakiin daafaca Portugal ayaa taasi diiday.
Sida caadiga ah 90 Daqiiqo ee Ciyaarta loogu tala galay waxeey ku soo dhamaatay 0 iyo 0 waxaana lagu daray waqtiga dheeriga ah ee 30 daqiiqo waxeeyna laba xul mar labaad isku mari waayn waxeeyna ku soo dhamaatay 0 iyo 0.
Rigoorayaal ayaa loo dhigay Labada Xul waxaana halkaasi guusha ku raacday Xulka Spain waxeeyna u soo baxeyn Finalka Euro 2012 waana markii Saddexaad ee Xul u soo baxaya Koob sidaan oo kale ah waxaana Xulka Spain lagu xasuustaa labadii Koob ee waaweynaa ee soo qaadeyn waxaana la dhihi karaa kani waa mid hadane u saaran afka.
Xulka Spain ayaa sugaysa in ay la ciyaaraan labada xul ee Germany Vs Italay ee balansan Habeen Dambe kii u soo baxa Finalka Euro 2012.