
Maalinta khamiista midkood Leo Messi, Cristiano Ronaldo ama Andres Iniesta ayaa loo caleemo saari doona xiddiga ugu fiican qaarada yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Codeynta waxaa loo qaban doonaa si toos ah iyadoo ay sameyn doonaan joornaaliistayaal ka socda 53da xubnood ee ay ka kooban tahay UEFA.
Leo Messi ayaa sannadkii hore ku guuleystay, lakiin waxa uu sannadkan tartan adag kala kulmayaa xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo xiddiga Barcelona Andres Iniesta.
Isla khamiista waxaa lagu qaban doonaa Monaco isku aadka wareega group-yada Champions League, lakiin qormo kale ayaan kaga hadli doonaa isku aadka Champions League.
Hadaba yay kula tahay yaa loo caleemo saari doonaa xiddiga ugu fiican qaarada yurub?