
Kulanka labada kooxood ayaa dib u soo celiyay xusuustii maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedkii hore ee 3-2 ay ku badisay City, lakiin Sky Blues ayaa filaneysay xilligaan inay ka fogaadaan taas oo ay ciyaarta ka dhigaan kaaf iyo kala dheeri.
Yaya Toure ayaa hoganka u dhiibay kooxda difaacaneysa Premier League iyagoo ciyaarta badankeed heystay qeybtii labaad iyagoo aan ka faa’ideysan gool kale.
Bobby Zamora ayaana barbaro ay QPR u qalantay u dhaliyay daqiiqadii 59aad, lakiin Edin Dzeko oo markiisii ugu horeysay ku soo biloday tan iyo bishii March ayaa hogaanka mar kale u dhiibay City labo daqiiqo ka dib.
City ayaa laga filayay inay ciyaarta halkeeda ka sii riixaan oo ay hurdo u diraan, lakiin taas bedelkeeda waxa ay u daaleen si xun, iyagoo ku dhawaaday inay fursad u siiyaan dhibic aysan filaneynin.
Si kastaba, inkastoo QPR ay ku ciyaareysay todoba ciyaaryahan oo ay xagaagan la soo wareegen Carlos Tevez ayaa guusha u xaqiijiyay guusha City isagoo dhaliyay goolkoodii 3aad.