
29 jirkaan ayaa City jooga ilaa labo xilli ciyaareed ka dib qandaraas shan sanno ah oo u saxiixay 2010kii, isagoo 24 milyan ginni kaga soo wareegay kooxda reer Catalan.
Lakiin, inkastoo uu ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Manchester City, hadana waxa uu qirtay inuu weli jaceyl u hayo kooxdiisii hore.
Isagoo u hadlayay idaacada Isbaanishka ee Ona FM, Toure ayaa yiri: “Barca waa kooxda iigu muhimsan, farxad ayaan ku dareemayaa City lakiin wax walba ayaa isbedeli kara sannadaha soo socda ….. ama maalmaha soo socda”
“Waxaan mar walba ahaa taageero Barca. Inta aan England joogay waxaan daawanayay ciyaarahooda, waxaana dareemayaa sidii inaan ahay Catalan”
Xiddiga reer Ivory Coast oo dhaliyay 21 gool 92 kulan oo uu u saftay Sky Blue ayaa sidoo kale iska fogeeyay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Real Madrid.
“Taageerayaasha Barcelona waa ay iga caroon doonaan hadii ay igu arkaan Madrid, waana wax aan fahamsanahay, lakiin haatan waa inaan nastaa oo aan arkaa mustaqbalka horteyda yaala”