
Tababaraha kooxda Zenit Luciano Spalletti ayaa si cad uga hadlay inuu jeclaan lahaa inuu la soo wareego Nanu, kaasoo dalbaday in lagala hadlo mustaqbalkiisa Old Trafford isbuucii hore ka dib markii uu heli waayay boos joogta ah.
Tababaraha United ayaa la fahamsan yahay inuu si aad ah uga fekeray inuu 31.5 milyan ginni ciyaaryahanka lagu qiimeeyo uu iska iibiyo, iyadoo wadahadalada heshiis cusub oo uu ciyaaryahanka saxiixo ay noqdeen kuwa hakad uu galay.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Georgi Kinkladze, oo haatan ah wakiil fadhigiisu yahay Mosoc, ayaa qeyb libaax leh ka qaatay in Zenit ay baadigoobto Nani, lakiin labada ciyaaryahan ee lacagta rikoorka ku fadhiya ee ay keensadeen ayaa haatan ka dhigeysa heshiiska ay kula soo wareegaan Nani mid aan macquul aheyn.
Zenit, oo labo sanno oo isku xigta ku guuleysatay horyaalka Russia, ayaa heshiis shan sanno ah ka saxiixday ciyaartoydooda cusub Hulk iyo Witsel, iyagoo saxiixooda kaga adkaaday kooxo waa weyn oo qaarada yurub ka dhisan.
Inkastoo Nani uu sii joogi doono United ugu yaraan ilaa iyo bisha Janaayo, mustaqbalkiisa ayaa weli ah mid aan la hubin isagoo galaya labadiisii sanno ee ugu danbeysay qandaraaskiisa.