
Wareegtada oo ku taariikheysan 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga Somalia
Arrinta ka dambeysay xilka qaadista Agaasimaha ayaa lagu sheegay in uu ku sopcday baaritaan lana tix raacayay warqad hore oo shaqada uu uga joojiyay wasiirkii Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu eedeeyay in uu Shaqaalaha Wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi,qabiileysi,cabsi gelin, maamul-xumo musuq maasuq,been abuur iyo iska horkeen aan sal laheyn.