
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Jornalizem.com in Alshabaab ay banneynayaan degmada Baardheere kadib markii ay ka war heleen in ay degmada ku soo jeedaan ciidamada Itoobiya oo loo sharciyeeyay inay kamid yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Ilo og ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Alshabaab saraakiishooda ku sugan Baardheere ay ogaadeen in ay ku soo fool leeyihiin millateriga Itoobiya oo hadda jooga qeybo kamid ah gobalka Gedo. 50KM wax aan ka badneyn ayaa lagu soo warramayaa inay hadda u jiraan ciidanka AMISOM magaalada Baardheere.
Xog ay ka heshay Baardheere wakaaladda Warqaad ayaa sheegaysa in degm,ada Baardheere ay isugu soo hareen oo kaliya dhallinyaro oo ay ka baxeen raggii waa weynaa, intaas waxaa dheer taliska Baardheere Jagooyin uu magacaabay si dhallinyarada loogu qanciyo inay degmada sii joogaan una muujiyaan in Xarakada weli ay joogto.
Qof ku nool magaalada Baardheere oo diiday inaan xiganno magaciisa iyo codkiisaba waxa uu u sheegay Warqaad in xaaladdu ay tahay mid cabsi ah oo dadka ay ka baqanayaan in Alshabaab ay dhibaateeyaan maadaama ay bixi rabaan.
Dadka qaar waxa ay ka baqanayaan in la ciidameeyo dhallinayarada deegaanka oo ay Alshabaab u adeegsadaan dagaalka Itoobiya ay ku gaarayso magaalada Baardheere.
Ilo hoose oo xog ogaal ah ayaa sheegay in Alshabaab ay tabar dhigeen iminka isla markaana qorshuhu yahay in markii ciidamada AMISOM ee Itoobiya ay soo dhaqaaqaan carruurta loo sheegay inay soo banneeyaan meesha maadaama Itoobiya ay aad u hubeysan tahay wararkana sheegayaan in ay diyaarado adeegsan doonto dagaalka Baardheere.
Baardheere waa degmo kamid ah degmooyinka gobalka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka waana magaalo muhiim ah marka loo eego dhanka istaraatiijiyadda.