
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladu ay gacanta ku dhigeen meelo badan kuwaas oo horey ay u maamuli jirtay Al-shabab, waxa uu intaas ku daray iney la kaashadeen dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab ciidamada midowga Africa ee AMISOM isagoona tilmaamay in dalka hadda nabadda ay kusii baahayso.
Soomaaliya ayaa u muuqatay Sanadkii tagey mid kasoo reyneysa marka la fiiriyo xasiloonida ay heshay ka dib markii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka saareen Al-shabaab magaalooyin badan oo ay gacanta ku hayeen.
Si kastaba ha ahaatee Al-shabab ayaa weli ku qaada weeraro ciidamada dowlada iyo nabad illaaliyaasha AMISOM.
Dhinaca kale madaxaweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay booqashadii dhawaan uu ku yimid dalka madaxweynaha Turkiga mid taariiqi ah, wuxuuna sheegay in Turkigu uu yahay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ay yeelatay isagoo bogaadiyey da’daalada madaxaweynaha Turkigu uu ku doonayo inuu ku caawiyo dadka Soomaaliyeed.