Xilka guddoomiyaha waxaa ku tartamey Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Qodax. Doorashada ayaa martey hal wareeg waxaana cod aqlabiyad ah ku guuleystey Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Xaashi ayaa helay 43 cod halka ninka la tartamayey ee Qodax uu helay 9 cod oo keliya.
Mudane Xaashi ayaa ah nin waaya arag ah muddo dheerna ka soo tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, waa 70 sano jir, waxa uu horey u soo noqdey wasiir dowladihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya.
Xaashi ayaa noqonayaa guddoomiyihii u horeeyey ee aqalka sare ee Soomaaliya abid yeesho. sida lagu sheegay taariikhdiisa waxa uu ku dhashey magaalada Baabili ee Itoobiya hoostagta, waxaana uu aqalka sare ka soo galay Somaliland.