
Labada masuul ayaa isla soo qaaday xaaladaha dalalka Maali Iyo Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa halista kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya sida ay yiraahdeen.
Wasiirka arrimaha dibadda Ingariiska Williuma Hague ayaa dhigiisa Mareykanka Johne Kerry uga warbixiyay shirkii London ee hogaamiyaasha Soomaalida loo qabtay sanadkii hore, waxayna labada mas’uul sidoo kale isla soo hadal qaadeen dardargelinta wadahadalada Soomaaliya loo qabanayo.
Sidoo kale labada mas’uul waxay isla garteen taageeridda howlgalada lagu dagaalamayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya dalalka Maali iyo Soomaaliya, waxayna mas’uuliyiintaasi sheegeen in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan qeybaha kala duwan ee ciidamada sida kuwa Militariga iyo Boliiska, ilaalinta xuduudaha, cadaalada iyo weliba dhinaca dhaqaalaha sida lagu daabacay barta ay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ku leedahay Intrernetka.
Dowladda Ingiriska ayaa la filayaa in Bisha may ee soo socota magaalada Landon ay markale ku martigeliso shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasoo ay ka qeyb galayaan dhinacyada siyaasada Somalia iyo dalalka caalamka ee arimaha Somalia daneeya.