
Dhaarinta xildhibanadaan ayaa waxa ay timid kadib Kulan uu shir gudoominayay gudoomiya ku-xigeenka baarlamaanka oo ay ku yeesheesheen xubnaha barlamaanka magaalada Muqdisho iyada xildhibanada ladhaariyay lagu bedelay boosas ay baneeyeen mudanayaal kale.
Xildhibanada cusub ee kala ah Faarax Cawad jaamac iyo Adan maxamed Cali ayaa waxa ay ku hor dhaarteen xubnaha baarlamanka ee iyaga hortooda shaqada soo weday kadib markii lagu dhawaaqay in ay ku soo biireen baarlamaanka.
Dhanka kale, Baarlamaanka ayaa waxa uu maanta war bixinno ka dhageestay xunba baarlamaanka katirsan oo kasoo laabtay safarro ay ku tageen deeganada ay kasoo jeedaan oo ay u anba baxeen markii baaralaamnku uu nasiinada ku jiray.