
Wasiirka amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlaye Baarlamaanka hortooda, ayaa wuxuu sheegay in rag kasoo goostay Shabaab oo ay Dowladda ogtahay aysan ku jirin ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Guuleed, ayaa wuxuu sheegay inuu sicad usheegayo in wararka noocaasi ay yihiin been abuur, ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwana aysan ku jirin rag Shabaab kasoo goostay.
Raga Shabaabka kasoo goosta ee Dowladda Soomaaliya isku soo dhiiba ayaa wuxuu sheegay in Dowladda ay udejisay qorshe cad oo ku aadan in ragaasi la dhaqancelinayo, kuwa dambiyadooda ay culus yihiin ee Shabaabka ahna loo gudbiyo Hay’adaha Garsoorka Dowlada si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.
Marka laga soo tago hadalka Wasiirka amniga Soomaaliya ee ku aadan beeninta in xubnaha Shabaab kasoo goostay ay kamid yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa jiro xubno kamid ah ciidanka Nabadsugida oo Shabaab kasoo goostay hadana ciidamada la shaqeeya.
Waxaa kaloo jira ciidamo loogu magacdaray (Ruuxaanta) oo gabigoodaba ah Shabaab soocan kuwaasi oo farmuuqa raga kale ee Shabaabka ah ee howlgalada lagu soo qabto, sidoo kalena qaarkood dhabarka ka taabta,qofkii ay taabtaan ayaa waxaa la sheegaa inuu yahay Shabaab la aqoonsaday.
Inta badan Dhalinyarada ka tirsan Shabaab ee isku soo dhiiba Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xareeya Xero lagu magacaabo SARANDA oo lagu dhaqanceliyo Shabaabka isa soo dhiiba.