
Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo la hadlay warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed
u diray hanbalyo ku aadan munaasabada 1 luuliyo.
Maxamed c/laahi maxamed farmaajo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay
in shacabka Soomaaliyeed uu ugu hanbalyaynayo maalintaan qiimaha weyn.
Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan
isla markaana ay ka fikiraan aayahooda.
Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in maalintaan oo kale ay ka mitahay maalmaha ugu qiimaha
badan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in sida ay yihiin loo weynayo in ay
tahay.
Sidoo kale Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya nuur Xasan Xuseen Nuur cade oo asna
jooga wadanka Talyaaniga ayaa umada Soomaaliyeed wuxuu ugu hanbalyeeyay
maalintaan qiimaha weyn ee 1 luuliyo.
1 luuliyo 1960 ayay ahayd markii ay dadka Soomaaliyeed eek u noolaa koofurta
Soomaaliya ay ka xoroobeen gumaystihii talyaaniga, isla markaana ay isku biireen
gobaladii Waqooyi iyo kuwii koofureed.