Wasiirka duulista hawada iyo gaadidka maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa Kaddib markii uu ka soo laabtay magaalada Nairobi ayuu sheegay in maamulkooda uusan oggolaan doonin in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay oo kale in maamulka Somaliland ay diyaar u yihiin in ay maamushaan hawadooda maadama ay yihiin dowlad sidda uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Somaliland uu la mid yahay dalalka Taiwan iyo Falastiin oo maamusha hawadooda balse aqoonsi aan weli helin.
“Waxaan Nairobi anniga iyo wafdi culus aan kula soo kulanay beesha caalamka iyo QM oo waxaan u sheegnay in aysan khatar galin hawada Soomaaliya, waayo Somaliland waxaa ka go’an in ay hawadeeda si gaar ah u maamulato” ayuu yiri wasiirka duulista hawada iyo gaadidka cirka.
Wuxuu sheegay oo kale in Soomaaliya oo dhibaato muddo dheer ku jirtay in aysan haddana dhibaato kale gacanteeda ku sameesan.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xooggan ugu jirta siddii loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya.
Waxaa kaloo qorshaha dowladda horrey uga soo horjeestay maamulka Puntland, waana culeys kale oo ku soo furmay dowladda Soomaaliya.