
Madaxda dowladda ayaa Xafladda kaga soo qaybgalay iyadoo ay lug kaga soo baxeen aqalka madaxtooyadda ayna ku yimadeen halka xuska lagu qabtay ee Barxadda wayn ee Magaaladda Garoowe,waxaana halkaas kusoo dhaweyey kumanaan dadweyne ah oo tubnaa wadada hareereheeda, lulayey Calamada Soomaaliya,Puntland iyo Caleemo oyan ,kuwasoo ku qaylinayey erayo ay ka mid ahayeen " Soo dhawada madaxdii dalkoow,noolaada iyo kuwo la mid ah.
Munasabadda xuska ayaa waxaa socod dheer lagu maray wadada dheer ee isku xirta magaaladda ,waxaana socdaalka maray Ciidamadda Darawiishta,Asluubta,Badda,Baanbayda,Shaqaalaha dowladda,Ardayda,xoogsatada,Haweenka,Dhalinyarada aasha iyoCiyaartowga ,Fardoolayda,Motawadayaasha iyo dhamaan qaybaha bulshada kala duwan.
Madaxweynaha puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal ka jeediyey munasabadda waxaana uu ugu horayn u mahadceliyey qaybaha bulshada puntland sida diiran ee ay ugu dabaaldegeen maalintan oo qiimo badan ugu fadhida dadka puntlan,isla markaana waxaa uu alle uga baryey in sanadka sanadkiisa kale ay ku garaan barwaaqo,baraare iyo Nabadgelyo..
Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in puntland qayb ka tahay dowlad Federal oo soomaaliyeed oo lagu wado in la ansixiyo Dastuurka Dowladda soomaaliya oo shirkiisu ka socdo magaaladda Muqdisho,sidaa awgeed munasbadan waxaa ay ciidanka puntland ku matalayaan kuwii qaranka soomaaliyeed.
Madaxweyne Faroole ayaa shacabka puntland ugu baaqay in ay adkaystaan nabadda iyo sharafta ay haystaan iyadoo ay meel uga soo wada jeensanayaan gacana isaga qabanayaan cidkasta oo isku dayda majaxaabinta bulshada iyo dowlada puntland.
Munasabadda oo kusoo aaday xilli lagu jiro bishii ramadaan ee barakaysnayd ayaa khudbadda munasabadda ee Madaxweynaha laga dhigay qaybta labaad ee xuska oo lagu wado in la qabto caawa ayna ka dhacdo aqalka madaxtooyadda dowladda puntland ee Garoowe.
Xafladda ayaa ahayd mid kusoo dhamatay jahi degan oo nabadeed iyadoo ciidamadda amaankuna ay si wayn u sugeen Nabadgelyadda goobta iyo guud ahaan magaaladda Garoowe.