
Waxaa si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlusunna Waljamaacad Sh.Ibraahim Sh.Xasan Guureeye, waxa uuna xusay in wixii ka dambeeya xilligaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ku biireen Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan hirgelinta Nidaamka Dowladnimo ee Gobollada Dhexe ee dalka.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General c/risaaq Khaliif Cilmi oo maanta ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxa uu salaam sharaf uu ka siday madaxda Qaranka Somalia guddoonsiiyay Ciidamada Ahlusunna ee maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia,isagoo ballanqaadey in Taliska Xoogga dalka uu dammaannad qaadayo bixinta Xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay Xoogga dalka, waxa uu intaasi sii raaciyay abaanduuluhu in Labo neef oo Geel ah loo qalayo Ciidamada Ahlusunna ee kamid noqonaya Xoogga dalka.
Generaalku waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay Ciidamada lagu xareynayo Xerada ay kala mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka dhinacyada Xanaaneynta,Qalabeynta,Taakuleynta,Xuquuqda iyo waajib siinta Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somalia.