
Qoraal lagusoo daabacay barta Amisom kuleedahay facebook ayaa lagu sheegay in Buulo mareer ay tahay magaalo ganacsi oo muhiim ah oo alshabaab hubka iyo qaraxyada ku kala gudbin jirtay. waxayna ku dhowdahay magaalada Baraawe oo ah magaalo xeebeedkii ugu dambeysay oo ay Alshabaab haatan gacanta ku haystaan.
Taariikh kooban oo ku saabsan Buulo Mareer.
Magaalada Buulo Mareer waxay 126 KM u Jirtaa Magaalada Muqdisho waa deegan aad ugu kobcay waayadaan danbe xagga Ganacsi waxaana hoos yimaado Sida cambareey iyo jeerow. Buulomareer Waxay halbowlo utahay isku Xirka wadada dheer ee Kismaayo iyo Muqdisho. Buulo Mareer waxaa loo Qeybiyaa Sedex Xaafad. waxayna kala yihiin Xaafad Jadiid, Oros iyo Sheikh Xaashi. waxaa deegaanka wada daga qaba ilo fara badan. waxay leedahay Beero fara badan iyo Aseendooyin waana magaalo Bilic Qurxoon Dadkeedana ma ahan Dad Dagaalka Jecel waxayna u badanyihiin Ganacsato iyo Beeraleey.
Halkaan ka daawo ciidamada Amisom ee la wareegay magaalada.