
Sida uu ku soow aramayo wariyaha Waaheen ee Gobolkaas waxa dagaalkaas ku dhintay Haweenay, afar qof oo midi gabadh tahayna way ku dhaawacmeen.
Maydka gabadha dhimatay ayaa wali yaala Cisbitaalka Badhan, halka dadka dhaawaca ah oo xaaladoodu cuslayd loo kala diraya Boosaaso iyo Gaal-kacayo si loogu daweeyo.
Labada Jilib ee is-dilay oo kala ah Aadan Yacquub iyo Maxumud ayaa isku adeegsaday Rasaas kadib markii xal loo waayay Gar ka dhalatay Gabadh ka soo jeeda labada Beelood midkood oo la daw marin waayay beeshii ay ka soo jeeday.
Xaalada labada Beelood ayaa wali taagan illaa hadana waxa khilaaf ka taagan yahay Aaska Gabadha dhimatay oo ay diidan tahay beesheedu in la Aaso.