
Kulan gaaban oo labada mas’uul dhex-maray ayaaa looga hadlay xaalad-da guud ee Somaliya ,waxaana safiirka uu Qaramada Midoobay uga mahad-celiyay sida ay Somalia u soo garab- taagnayd tan iyo markii uu bur-burku dhacay.
“Waxaan uga mahad-celiyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba “ ayuu safiirku ku soo daabacay blog-ga uu ku leeyahay Internet-ka.
“Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin “ ayaa kamid ah qoraalka uu soo qoray safiirka.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM oo dhawaan shaqada ka fariisanaya uu ka dalbaday madaxda dowladda Somaliya in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhalan lahayd xasilooni buuxda iyo dowlad-nimo dhamaystiran.
Ugu danbayn , safiirka Somalia ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhawaan la dhamaystiri doono hanaanka doorashooyinka dalka ,iyadoo marka la gaaro sanadka 2020-ka la filayo in ay dhacdo doorasho ay shacabku codkooda dhiibtaan, taasi oo lagu waday in sanadkan ay dhacdo.