
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro kamid ah Xukuumadii hore ee Baarlamaanka kalsoonida kala noqday.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sii diyaariyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa loosoo galbiyay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo loo xiray wadooyinka Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho isku xira.
Hogaamiyaha dalka Soomaaliya ayaa dalka Masar kula soo kulmay madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dib udhiska dalka.
Xilliga madaxda ay soo dagayaan ayaa waxaa la xiraa wadooyinka Madaxtooyada soo gala, waxaana taasi sii dheer in wadada sayidka maalin waliba la xiro oo dadka ay dhibaato ku qabaan isticmaalka wadadaasi, maadaama muhiim ay u tahay qaybaha bulshada.