| Maanta ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii madash-wadda-tashiga Qaran ee hogaamiyayaasha Soomaalida, kaa looga wadda hadli doono geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka. Qodobada kulanka looga hadli doono ayaa siddoo kale waxaa qeyb ka noqonaya tabashada dowlad gobolleedka Puntland ee la xiriirta sidda loo maareeyay xildhibaannada gobollada W/qooyi, taasoo keentay in hakad la galiyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka soctay Garoowe. Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh, Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.Waxaa siddoo kale Muqdisho jooga madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Camey, halka madaxweynaha Jubbaland la fillayo in isla maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa goob joog ka noqonaya Wakiilada Beesha Caalamka oo walaac ka qaba in doorashada ay mar kale dib u dhacdo, iyadoo saddex jeer oo hore dib u dhacyo ku yimaadeen. Ugu danbeyntii, maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa illaa iyo hada soo dhameystiray doorashada xubnaha Aqalka Hoose, halka Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay u harsan yihiin dhowr xubnood. |
0 Comments
Madaxweyne Xasan oo kulan gaar ah la qaatay Xildhbaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay12/7/2016 Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Xasan Sheekh, ayaa horay ugu hambalyeeyay guushii ay ka gaareen doorashadii dhacday Kismaayo. Wuxuuna Kulan Dar-daarmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay inay ka shaqeeyaan Danaha Dadka Soomaaliyeed iyo kalsoonida siiyay iyo mida Guud Qaranka ee loo wakiishay. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay inay guulo waa weyn ay tahay in maanta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo jooga degaanadooda ay doorteen Shaqsiyaadka wakiilka uga noqon lahaa danahooda degaan iyo mid Qaran. ”Shacabka aad wakiil uga noqeysaan Baarlamaanka oo idinku aaminay inaad wakiil uga noqotaan danaha Qaranka ayaa idin ka sugayaa waajibaadkiinna. ALLE ayaa mahad leh maanta waxay Somalia mareysaa in dad heerarkooda kala duwan oo ay iyagu wakiisheen u doortaan danahooda oo ay Baarlamaan maamul-goboleed iyo madaxdooda tahay ee shacabka degaanka u doorteen inay ka shaqeeyaan amuurahooda heer deegaan iyo haddii mid hHeer Qaran tahay oo ay idinku idin doorteen si aad ugu matashaan amurahooda Somalia oo dhan kala dhaxeeya sidaa awgeed waa horumar weyn oo ay Soomaaliya gashay,” ayuu ku yiri hadal uu Madaxweynuhu u jeediyay xildhibaannada labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray. “Dhismaha Maamul-Gobolleedka Jubbaland, waxay keentay wax lagu farxo oo ah in Siyaasiyiin badan oo idin ka mid ah in ay deegaanadooda yimaadeen oo ay Xildhibaanno u soo doonteen kuna Guuleysateen. Kaliya Doorashadu ma ahayn waxa ka dhacay Kismaayo ee waxaa la socday dib u Heshiisiin Maadaama Dadkii degaanada Jubbaland ay Kismaayo isku yimaadeen, si nabad iyo dimuqraadiyad ahna isku doorteen, si la mid ah dorashooyinkan dib u heshiisiinta la socoto waxay ka dhacayaan magaalooyinka Maamul-gobolleedka dhistay sida Baydhabo, Cadaado iyo Jowhar.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa mid mid uga Jawaabay Xildhibanada su’aalo ay weydiiyeen, kuwaa oo uu si waafi ah uga jawaabay Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud. ![]() Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad kusoo gaaray Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Shibirkan Meng lagu magacaabo, ayaa lagu xiray Qalabka muujineysa halka uu marayo, ka hor intii uusan ka soo duulin Waqooyiga Waddanka Shiinaha. Milkiilaha Shimbirkaan oo u dhashay Ingiriiska ayaa ku nool Magaalada Beijing, Waxaana shimbirkan iyo shimbri kale oo la socday lasoo diray Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Shimbirahan waxaa lasoo diray Bishii September ee Sannadkaan, waxayna ku qaadatay Meng inuu yimaado Soomaaliya masaafo gaaraysa 3,400-km oo aan hakad lahayn illaa markii uu safarkiisa soo billaabay. Dhanka kale, Shimbirkan Meng ayaa Talaadadii shalay soo gaaraay Xeebaha Muqdisho, wuxuuna weli ku suganyahay Xeebta, iyadoo Ninka Shimbirkaan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay inay ujeeddadiisu ahayd in uu horumarinyo deegaanka iyo noolaha kale. Shimbirka ayaa intuu kusoo jiray Safarkiisa wuxuu la kulmay dabeyl aad u xoog badan, inkastoo uu ugu dambeyntii uu kasoo gudbay uuna Magaalada Muqdisho yimid. Meng oo Macnaheedu yahay shimbirka Riyada ayaa wuxuu ka mid ahaa xayn shimbiro ah oo uu leeyahay, Terry Townshend oo ah Shimbire-dhaqaaleeye u dhashay Britain, wuxuuna u dhaq-dhaqaaqa bad-baadada deegaanka. Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa; Flappy iyo Skybomb, waxaana Flappy uu joogaa dalka Kenya muddo bil ah isagoo kasoo hormaray Meng, wuxuuna 15 jeer galay Sohdinta Somalia ka hor intuusan Meng imaan Soomaaliya. Balse, Nasiib-darro mar ayaa Flappy laga waayay qalabka xogta keydinayay, inkastoo dib loo helay markii dambe, kaddib markuu dib ugu laabtay meeshii loogu talo-galay oo ahayd dalka Kenya. Ugu dambeyn, Imaanshaha Men gee Somalia ayaa aad uu u soo dhameeyay Milkiilaha iyo Ardeyda saaxiibbadii ah, iyadoo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal-haya booqashada Meng ee Soomaaliya. |
Archives
March 2020
|