0 Comments
![]() Soomalia waa wadan kuyaala qaarada Africa ahna wadan carab ah iyo waliba African ah. hadaba soomaliya ayaa waxa kataagan wax layirahdo ishirdin eey isku hirdineyso Dalalka danta Kaleh oo doonaya ineey kheeradka dalka qaataan dalalkaa ayaa kamid ah UAE , Kenya ,turkiga ,etoobiya,marekanka ,iyo qaramada midoobay. intaba intaan turkiga kaheen waxaa ugu dan ah ineey soomalia marnaba nabad noqon qaarna dul damcayaan qaarna kheeradka dalka halaka kuwa kale eey damcayaan diin burburis ahaan oo muslin nimada ah. hadaba soomalia ayaa uqeebsantay intaas oo maamulo ah oo iyagu leeyihiin waxaanu nahay soomalia laakin hadii sifiican loogu dhabagalo aan kusocon siyaasada soomalia bal eey kasoo horjeedaan iyagoo dhabarka saaraya wadama aad kusoo xosnay kor madaxweenaha gobalka isagoo og ineey dawladahaa dan u aheen laakin ka dhax arkay dantiisa shakhsiga ah. maamulada soomalia lugta kuwalaaqayaayaa ah Putland , Somaliland , Jubaland, intaba iyagoo shisheeye udaneenaya aye dantoodi kahormarsheen dantii shacabka iyo tii dalkaba. hadaba qoraalada danbe ayaa kusoo qaadaneynaa dalkasata si gaar ah iyo maamulkasta anagoo falanqeyneyna mid walba danta uu kalaayehey dalkaiyo shacabka. ![]() Wararka naga soo gaaraya deegaannada Bari ee Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah oo wata duufaanno culus. Duufaannadan iyo Roobabkan ayaa noqonaya kuwo maalmihii ugu danbeeyayba laga sii digayay in ay ku dhufan doonaan qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan kuwa dhaca Miyiga fog ee gobolka Bari. Daadad sidoo kale ka soo rogmaday Roobabka ku da'aya dhulka Buuraleyda ah ayaa lagu soo waramayaa in ay geysteen khasaare kala duwan walow ilaa iyo hadda aan la soo sheegin dad ku dhintay. Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland, deegaannada ay duufaantu saameysay waxaa ka mid ah Degmada Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo Deegaano ku dhaw dhaw, walina waxaa jira digniinno loo jeedinayo dadka deegaannadaa ku dhaqan ![]() Roobabka dabeylo wata ayaa hadda ka da'aya xeebaha Badda Hindiya gaar ahaan degmooyinka Eyl, Xaafuun iyo meelo kale oo kamid ah Badda Cas. Wuxuuna wataa Roobku qabow daran. Maamulka Puntland ayaa dadweynaha kula taliyay inaysan Ku safrin Togagga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo Mareenka ah ayna muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, iyadoo laga cabsi qabo inay daad xoogan ka dhashaan Roobabkaan oo da'aya in ka badan 24saac. Khasaare aad u baaxad weyn weli lamasoo tebin, inkastoo degaanada xeebaha kuyaala lagasoo sheegaya in dabeyshu waxyeelo ugeysatay guryo iyo qalab kalluumaysi oo badan. Magaalooyinka Puntlad oo ay kamid caasimadda Garowe, waxaa illaa iyo haatan ka da'aya Roob wata dabeyl aan sidaasi xoog badnayn, waxaana saakay oo sabti ah xiran dhammaan xarumahii waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale addeega korantada ayaa mararka qaarkood hawada ka baxaya. ![]() Qaoraal la soo baxay Xafiiska Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda fedraalka Somalia Eng: Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xilkii lagaga qaaday Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ahaa Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha. Wareegtada oo ku taariikheysan 28/8/2019 ayaa lagu sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo hore u ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga Somalia Arrinta ka dambeysay xilka qaadista Agaasimaha ayaa lagu sheegay in uu ku sopcday baaritaan lana tix raacayay warqad hore oo shaqada uu uga joojiyay wasiirkii Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa lagu eedeeyay in uu Shaqaalaha Wasaaradda ka dhex abaabulayo kooxeysi,qabiileysi,cabsi gelin, maamul-xumo musuq maasuq,been abuur iyo iska horkeen aan sal laheyn. ![]() Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegayaa inuu shuruud adag ku xiray dalab uu u diray madaxweyne Farmaajo oo ku aadan inuu Muqdisho u yimaado wada hadal la galo Dowladda Federaalka. Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Puntland ayaa inoo sheegay in madaxweyne Deni uu ka cudurdaartay dalabka kaga yimid madaxweyne Farmaajo,wuxuuna u sheegay inuu ku mashquulsan yahay xalinta tabasho ay maamulkiisa ka qabaan qaar ka mid ah waxgaradka dega gobolada Sool,sanaag iyo Ceyn iyo qaar ka mid ah beelaha dega magaalada Boosaaso. Xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhawaan casuumaad u diray madaxweynaha Puntland,kaasi oo ahaa loogu sheegay inuu yimaado Muqdisho si loo dardar geliyo wada hadalada maamulka Puntland iyo Dolwadda Federaalka loogana gudbi tabashada iyo khilaafka iminka ragaadiyay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay iney qalalaaso iyo iska horkeeni beeleed ay ka wado deegaanada Puntland ka dib markii ku guuldareysatay iney wax ka qabato amniga guud ee dalka gaar ahaana magaalada Muqdisho. Khilaaf ayaa hareeyay maamulada dalka qaarkood iyo Dowladda Federaalka kaasi oo intiisa badan salka ku haya awood qeybsiga iyo wadaagida kheyraadka dalka. ![]() Waxaanu ognahay in Somaliland uu kajiro Maamul Diktatuuri ah Waliba dagaal kula jira saxaafada dalka iyo shaqaalaha hoos yimaada . baryahan waxaa soo kordhaya shaqaalaha xumaanta loo geysanaya oo waliba jeelka lagu tuurayo hadeey sheegin wax xukuumada raali kaheen . taas inteey soo dhaaftay aye waxa uu marayaa xaalka in qaab qabiil wax lagu dhiso xukuumada iyo siyaasadaba. waxaan ku baraarujin lahaa shacabka Soomaliland ineey xaqooda udiriraan oo taageeraan xisbiga ama dadka doonaya isbadalka inuu wadanka ka dhaco. ![]() Wasiirada xilalkii laga qaaday waxa ka mid ah wasiirka Cadaaladda Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, wasiirkii Qorsheynta Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), wasiirkii waxbarashada Cismaan Aadan Jaamac, wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorsheynta Xuseen Ibraahim Xasan Buuni, wasiir ku xigeenkii maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame. “Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.”ayuu lagu yidhi qoraal madaxtooyada ka soo baxday. Sidoo kale, waxa uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey wasaaradaha qaarkood. 1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka waxaanu hore u ahaa wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga. 2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga waxaanu hore usoo maray wakhtigii Madaxweyne Rayaale wasiirka Hawlaha guud. 4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka waxaana laga soo bedelay wasaarada Biyaha . 5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, waxaanu hore u ahaa wasiirka warfaafinta. 6. Mustafe Maxamuud Cali Bile waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada. 7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaanu hore u ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka. 8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed waxa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed waxa laga dhigayWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf waxa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka |
Archives
March 2020
|