
Gabadhaan Soomaalida oo lagu magacaabo Fartuun Cabdullaahi ayaa waxaa la sheegay inay ka mid tahay qaxootiga Soomaaliyeed ee sharci la'aanta ay ku heysa dalka Holland islamarkaana la dhigay dibada loona sheegay inay ku noqoto dalkeeda. gabadhaan Soomaalida oo ku nooleyd dalka Holland mudo 6 sanadood ah hadana degan ama ka nool meel kaniisad ah oo ku taal magaalada Amsterdam ee dalka Holland oo si ku meel ah loo dajiyey ka dib markii dhamaadka sanadkii hore ay booliiska dalka Holland cagta mariyeen tendhooyin ay qaxootigaas ka dhisteen xaafad ku taal magaalada Amsterdam ayaa waxaa la sheegay in laga bilaabo bishaan 31keeda ay kaga egtahay joogitaanka kaniisadaas iyadoona aysan garaneynin meel ay afka saarto, Gabadhaas Soomaalida ah aya waxaa ay ku calaacashay inaysan aqoon meel ay aado iyadoona sheegtay inay jeclaan lahayd in la siiyo sharciga dalka Holland islamarkaana ay waxbarato nolosheedana ay dhisto, Gabadhaan Soomaaida iyo qaxooti kale oo Soomaali iyo wadamo kale isugu jira ayaa dhawaantaan waxay mudaaharaad ka dhigeen magaalada Amsterdam ayagoona ku weydiisanaayo in arintooda wax laga qabto islamarkaana aan laga musaafurin dalka Holland lana siiyo sharciga dalkaas si ay ugu noolaadan dalkaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo qaxooti badan oo ay Soomaali ku jirto ay ku dhibaateysan yihiin dalka Holland ka dib markii loo diiday sharciga dalkaas ayaa dowlada dalka Holland waxay ku talo jirtaa in qaxootiga ka yimid dalka Soomaaliya ay dib ugu celiso magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer ku celcelisay in magaalada Muqdisho ay tahay meel amaan ah oo loo celin karo qaxootiga ayaa waxaa arintaas ka horyimid heyadaha caawiya qaxootiga iyo kuwa u dooda xaquuqda biniaadanka oo sheegay inaan magaalada Muqdisho loo celin karin wax qaxooti ah xiligaan la joogo ayagoona ku sheegay inaysan qaxootigu amaan ku ahayn magaalada Muqdisho.