
Wararka ayaa sheegaya in wali qeybo ka mid ah magaalada ay ku sugan yihiin askar ka tirsan ciidamada Jubbaland ee dhawaan laga saaray fariisinkii ay ku lahaayeen xuduudka.
Wararka ayaa intaa ku darraya in wali ay xiran yihiin iskuullada, shacabkuna aysan ku laaban xaafadaha uu saameeyay dagaalkii Isniinta dhacay.
Waxaa xusid musan in anteenada Safaricom ee Mandheere ay hawada ka maqneyd intii uu socday dagaalkii Isniinta.
Wali lama ogga halka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Jubbaland ee horkacayay ciidamada ku sugnaa xuduuda, kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeen Maxamuud Sayid iyo Wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.