
Dhalinyarada Xukunka lagu riday ayaa waxa lagu helay Dambiyo isugu jira Dil iyo dhac, waxa ayna maanta Maxkamadda soo afjartay Kiiska loo heystay.
Xukunka Maxkamadda ay riday ayaa waxa uu u kala dhacay sida:-
1- Gacan ku dhiigle Nuur Hilowle Caddaawe, waxa uu kamid ahaa Ciiddamadda Dowladda, waxa ayna Maxkamadda ku heshay Cadeymo iyadoona ku riday Xukun Dil toogasho ah.
Gacan ku dhiigle Nuur Hilowle Caddaawe, ayaa waxaa ku cadaatay dambi la xiriira in bishii
December ee sanadkii hore uu Degmada Dharkeenley ku dilay Nin rayid ah oo ay Maxkamadu ku sheegtay Magaciisa Cabdirashiid Ciise Aw-Maxamuud.
2- Sidoo kale Maxkamaddu waxay Xukun bixin diyo boqol halaad ah ku riday Garruun Caddow Raage oo ah dable ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kaas oo ay ku caddaatay inuu xaafadda Carrafaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay Cabdi Cumar Cali oo isaguna dable ahaa.
Dilka iyo Xukunka ay Maxkamadu ku riday Labada Eedeysane ayaa waxa uu imaanaya Xilli ay Maxkamadda faarujineyso Xabsiyadda oo ay ku xiran yihiin Boqolaal Dhalinyaro oo isugu jira kuwa dil, dhac, Boob iyo Kufsi ka geystay Gobaladda iyo Caasimada Dalka.
Ugu dambeyntii, Maxmakadda ayaa waxa ay cafis u fidisay 2-Laba ruux oo ay ku sheegtay inay ku weysay wax dambi ah kadib markii ay dhowr bilk u waday Baaritaano.